Skip to main content

TAARIIKHDA SHIIKH ADAM SHIIKH CABDULAAHI CALI

Shiikha ilaahay janadii ha ka waraabiyee waxuu ahaa Caalim iyo Daaci ay dad badan quraanka iyo cilmi badan ka barteen. 1956 ilaa 1973 waxuu ahaa macalin iskuul oo wax ka soo dhigay dugsiyada dhexe ee gobolka Hiiraan iyo Muqdisho. Ilaa iyo 1973 waxuu tafsiirka quraanka kariimka ah ka akhrin jiray galab wallba 15 daqiqo Raadiyo Muqdushu. Casharada shiikha marna ma kala joogdsan ilaa hadana waxaa laga baahiyo raadiyo Muqdisho. Casharada raadiyo muqdihsu waxaa ka aflaxay kumanaan muslimiin soomali ah oo tafsiirka iyo quraankaba ka bartay.
Dadka soomaalida badankood miyi iyo magaalaba wax walba ay gacanta ku hayaan way dhigi jireen afarta galabnima marka casharkiisa uu soo galayo. Dadkuna waxay ku balami jireen “casharka Shiik Adam markuu dahamaado ka dib aan isu imaano”. Shiikha waxuu si joogto ah casharo uga bixin jiray Masjidka Macalin Jaamac iyo Masjidka Isbahaysiga Islaamka laga soo bilaabo 1975 ilaa iyo 1991. Shiikha waxuu imam iyo Khadiibba ka ahaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka markii la furay ilaa iyo inti uu xamar ka tagay sanadkii 1991.
Halkaan ka akhriso taariik noloneedkiisa oo kooban:

  1. Shiikha waxa uu ku dhashay 1928 Deegaanka Diirharo ee gobolka Gedo, halkaas oo uu Quraanka ku xifdiyay, asaasiyaatka culuumta shareecadana uu uga qaatay aabihii Shiikh Cabdullaahi Aw Cali oo ahaa Shiikh caalim ah.
  2. Marki uu hana-qaaday Shiikha wuxuu cilmi-doon u aaday deeganadi ku xeernaa Gdo ee Baay iyo Bakool. Halkaas oo uu inti mudda ah xernimo iyo nadaamki xalaqaatka uga raacanayay funuunta kala duwan ee cilmiga Shareecada.
  3. 1955 waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho, waxa uuna sii watay cilmi kororsigiisa.
  4. Waxa uu Diploma u dhiganto shahaadada duksiga sare ka qaatay Machadiki Diraasaadka Islamka ee Raacsana Al-azhar.
  5. Waxa uu ka qalin jabiyay Kuliyadi Diraasaadka Islamka iyo Luqadda Carabiga ee Jaamacadda Umadda kana qaatay Shahaada Bachelor.
  6. Shiikha waxa uu ku geeriyooday 17kii Bisha Ramadaan ee sanadki 1416H (1996) magaalada barakaysan ee Makkah Almukaramah, halkaas oo lagula tukaday salaadi maqrib Xaramka laguna aasay halkaa - Allaha u naxariistee

Shaqooyinki:

  1. Sanadihi 1962-1973 waxa uu macalin maaddadooyinka carabiga iyo diinta islaamka ka noqday dugsiyadi dalka. Gaar ahaan gobolada Hiiraan iyo Banaadir.
  2. Waxa uu tafsiirka quraanka ka bilaabay Raadiyo Muqdisho sanadii 1973; Tasjiilki waqtigaa oo illaa manta laga baahiyo hawada.
  3. Laga soo bilaabo 1977 Waxa uu imaam iyo Khatiib ka noqday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ilaa iyo intii uu xamar ka tagay sanadkii 1991. Waxuu qayb wayn ka qaatay u olololaytii dhismaha masaajidaka oo ahaa masjidka ugu wayn -xiligaa- geeska Afrika, halkaas uu duruus iyo dacwo maalinla ah ka waday illaa waqtigii dagaalada sokeeyo ee dalka ka qarxeen sanadkii 1991. Shiikha waxa uu xubin ka ahaa waxna ka aas-aasay Kulanka saree e Masaajidda Islamka ee caalamiga ah ee hoostaga uruka Raabidada Caalamka Islamka
  4. Shiikhu wuxuu qoray kitaab tarjumada Quraanka Kariimka ah oo uu af-soomaali u tarjumay welina aan la daabicin , waxaan soo gelin doonaa markii Alle fududeeyo.
  5. Shiikha waxa uu gacanta ku hayay mashruuc ballaaran oo lagu aas -aasayay Machad Sare oo lagu diyaariyo Ducaadda Islaamka, machadkaas oo dhismihiisa gunaanad ahaa inta aysan fitinadi iyo dagaalki ahligi dalka ka qarxin.
  6. Waxaa Shiikha aad loogu xasuustaa Darsigiisa maalin walba laba jeer ka bixi jiray Idaacadda Muqdisho ee Tafsiirka Quranka; miyi iyo magaalana aad loogu taxnaa.
  7. Shiikha waxa uu xubin ka ahaa Ururka Fiqiga Islamka ee Jedda laga soo bilaabo Aas-aaskiisa illaa Uu ka waqtigi uu Shiikha geeriyooday - Allaha u naxariistee- sanadki 1996.
  8. Waxa uu Shiikha ka qayb galay kulamo iyo shir-weynayaal calami ah oo ku saabsana dacwada iyo iskaashiga Muslimiinta

We value your feedback

We are always looking for ways to improve our website. Please share with us your thoughts on how we can make your experience better.